Dhaqaale

MOSCOW: Dowladda Ruushka oo xabsiga u taxaabtay wasiirkeeda dhaqaalaha


15/11/2016 05:41:00:-Dowladda Ruushka ayaa xabsiga u taxaabtay wasiirkeeda dhaqaalaha Aleksej Uljukajev kaddib markii ay soo ifbaxday in uu ku leg-leeyahay arrimo musuq-maasuq oo lacago lagu kala qaatay.






Hay`adda lacagta adduunka IMF oo 12 bilyan oo dollar amaahineysa dowladda Masar Sawirro

12/11/2016 06:42:00:-Amaah dhan 12 bilyan oo dollar ayaa waxaa ay hay`adda lacagta adduunka ee IMF u ogolaatay dalkaasi Masar xilli xukuumadda madaxweyne Al-Sisi la daalaa-dhaceyso dhaqaalo xumo baahsan oo dhaliyay dibadbaxyo rabshado wata oo looga soo horjeedo madaxweyne Al-sisi kuwaas oo maalmahan socday.



Sacuudiga oo eryay wasiirkiisii dhaqaalaha Ibrahim al-Assaf

01/11/2016 07:32:00:-Dowladda Sacuudiga ayaa labaatan sano kaddib waxaa ay xilkii ka qaaday wasiirkeeda dhaqaalaha brahim al-Assaf (67-jir) kaas oo jagadaasi loo dhiibay Janaayo 1996-dii.



Dowladda Sacuudi Carabiya oo ammaahatay lacag dhan 17-bilyan oo dollar

21/10/2016 06:31:00:-Sacuudi Carabiya ayaa ka ammaahatay toddobo iyo toban bilyan oo dollar markii ugu horaysay suuqyada caalamiga. Dowladda ayaa saadaalisay in miisaaniyada ay ka maqnaan doonto lacag dhan 90 bilyan oo dollar sanadkan, kadib markii sicirka shidaalka uu hoos u dhacay taasoo ah lacagta ugu badan ee soo gasha Sacuudiga.



Shirkadda taleefanada Samsumg oo joojisay soo saaridda Galaxy Note 7: Sawirro

10/10/2016 18:03:00:- Shirkadda soo saarta telefoonnada casriga ah ee Samsung, ayaa joojisay soo saarista taleefanada nooca Galaxy Note 7, kadib markii nooca cusub ee lagu badalay kuwii hore mar kale lagu arkay ciladdii batariga.



SPORTS / ENGLISH



Hay`adda lacagta adduunka IMF oo ka digtay hoos u dhaca dhaqaalaha adduunka

05/10/2016 06:46:00:-IMF, hayadda lacagta adduunka ayaa ka digtay in kororka dhaqaalaha uu wali yar yahay ku dhawaad toban sano markii ay dhacday dhibaatadii dhaqaalaha adduunka.



Ninka aas-aasay shirkadda Amazone oo noqday ninka saddexaad ee dunida ugu taajirsan

29/07/2016 13:02:00:-Ninka asaasay shirkadda Amazon, Jeff Bezos, ayaa noqday qofka saddexaad ee dunida ugu taajirsan, sida ay qortay jariiradda Forbes.



Dhaqaale
Afarta boqol ruux ee dunida ugu taajirsan oo balaayiin dollar ku waayay aftidii Britain


26/06/2016 08:52:00:-Aftidii dorraato ka dhacday dalkaasi Ingriiska oo ay kaga bexeen Midowga Yurub ayaa waxaa ku khasaaray maalinimadii shalay afarta boqol ee ruux ee duniga ugu taajirsan kuwaas oo in ka badan $127 Billion oo dollar waayay.



Maxaad ka taqaan 10-ruux ee ugu taajirsan adduunka iyo lacagta ay haystaan? Akhriso

03/01/2016 04:15:00:-Saxaafadda Mareykanka ayaa soo bandhigtay liiska tobanka ruux ee caalamka ugu taajirsan kuwaasoo intooda badan ah muwaadiniin mareykan ah.

-©2006-2017 Calanka.com waa qeyb ka mid ah CALANKA MEDIA
Kor ku laabo ::: Login :::: Nagu xayeysiiso ganacsigaaga :::: Nala soo xiriir :::: Annaga / About
Waa mamnuuc in la isticmaalo ama la qaato macluumaadka ku jira boggan, amar la`aan.