Videos

Gaari booyad ah oo sababay mid ka mid ah shilalkii ugu foosha xumaa dalka Shiinaha Video


16/01/2017 09:17:00:-Baari booyad ah oo sida shamiitada dqasan ee shubka ah ayaa waxaa uu shil foolxun ka riday gobolka Guangdong ee dalkaasi Shiinaha. Shilkaasi waxaa ku dhintay 6 ruux, waxaana ku dhaawacmay 16 kale. Darawalkii gaariga ayay xabsiga u taxaabeen boliska, walina lama oga sababta keentay shilka.






Tababarkii loogu soo gabo-gabeeyay ciidanka kumandoosta magaalada Muqdisho Video

15/01/2017 06:19:00:-Xero ku taal duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Jasiira ayaa waxaa maanta tababar loogu soo xiray ciidamo kumaandoos oo soomaali ah kuwaas oo tababarka kaddib la guddoonsiiyay shahaadooyin.



Booliska Mareykanka oo sii daayay muuqaalka afar boolis ah oo si xun u garaacaya maxbuus Video

14/01/2017 06:38:00:-Booliska magaalada Agawama ee gobolkaasi Massachusetts ee dalkaasi Mareykanka ayaa sii daayay muuqaalka film muujinaya sida ay afar boolis ah u dilayaan maxbuus ay soo xireen kaas oo uu uu muran dhaxmaray xilli ay ku jireen musqul ku taal xabsiga.



Qaabkii ay u dhacday doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Video

13/01/2017 12:23:00:-Waxaa shalay ka dhacay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho doorashada guddoomiyaha baarlamaanka taas oo uu ku afar sano oo hor leh uu ku guuleysto Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.



Haweeney cayilka ka batay oo gaari dabada looga xiro marki ay dano ka yeelato bannaanka Video

11/01/2017 06:30:00:-Magaalada Kensas waxaa ku nool haweeney aad u cayilan oo lagu magacaabo Becky Kittrell taas oo caawinaad dhanka bannaanka ahmarki ay u baahato gaari dabada looga xiro si ay u gaarto halka ay dooneyso. Haweeneydan ayaa ka tan badan kurisga ay ku fadhiso.



SPORTS / ENGLISH



Qaabkii uu ninka falastiiniga gaariga xamuulka u jiirsiiyay askarta Yuhuuda Video

09/01/2017 17:10:00:-Shalay ayay aheyd markii ay soo shaac baxeen warar sheegayay in ruux falastiini ah oo gaari xamuul ah wada uu la galay goob ay tuurnaayeen askar Yuhuud ah oo ku sugneyd magaalada Qudus ama Jerusalem. Afar askari ayaa falkaasi ku dhaawacantay tiro toban ka badana waa ay ku dhaawacantay.



Dameer caqli badan oo ay bootintu ku cuslaatay oo la yimid fikir ka yaabiyay dadyowga ku taxan baraha bulshada Video

08/01/2017 06:34:00:-Dameer lagu xannaaneeyo mooro ku taal dalkaasi Talyaaniga islamarkaana lagu magacaabo Oreste ayaa marki ay ku cuslaatay bootinta la soo baxay fikir ka duwan kii ay saaxiibadiis qaateen, isagoona fikirkiisaas cusub si layaab leh ugaga baxay moorada.



Eeyo meel khaldan hunguri ka raadiyay iyo cashar lama ilaawaan ah oo loo dhigay Video

06/01/2017 08:37:00:-Waxaa isku helay dalkaasi Poland Eeyo duur-joog ah iyo lo`duureed. Eeyaha oo baahnaa ayaa u qaatay in ay si sahlan ku cuni karaan lo`da balse arrinkaasi waa u socon waayay oo waxaa iyagii lagu shubay halkii ay kasoo weerar tageen.



US: Dhallinyaro madow ah oo afduubtay nin caddaan ah, jirdil toos looga daawanayay barta Facebook-gana u geystay Video

06/01/2017 05:09:00:-Dhallinyaro madow ah ayaa waxa ay ku afdeebteen magaalada Chicago nin caddaan ah oo ay u geysteen jirdil toos looga daawanayay facebook-ga. Dhallinyaradan ayaa ku hadlayay hadallo cunsuriyad ku dheehantahay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen "Fuck Donald Trump" iyo "Fuck white people".



CAJIIB: Haweeney Hindi ah oo muddo 63 sano ah cuneysay labo kiilo oo carro ah maalin walba Video

04/01/2017 17:16:00:-Kusma Vati (78-jir) kana soo jeedda gobolka Varanasi ee dalkaasi Jindiya ayaa muddo 63 sano ah waxa ay cuneysay labo kiilo oo carro ah. Waxa ay sheegtay in ay ka qaaday caafimaad, iyadoona intaasi raacisay in ay ku celineynay carradaasi culeyska jirkeeda.



VIDEO-GII U DAMBEEYAY



INDONESIA: Wade diyaaradeed oo isagoo cabsan oo dhac-dhacaya soo shaqo tagay Video

04/01/2017 17:15:00:-Dhacdo ka dhacday garoonka Surabaya Airport ee dalkaasi Indonesia ayaa waxaa hadal haysa warbaahinta caalamka iyo baraha bulshada kaddib markii wade diyaaradeed uu soo shaqo tagay isaga oo cabsan oo dhac-dhacaya. DIyaaradda uu wado ayaa ka dhex shaqeysa dalka Indonesia gudihiisa.



CAJIIB: Labo jir caqli badan oo mataanihiisa ka dul-qaaday armaajo weyn oo ku soo dhacday Video

04/01/2017 08:43:00:-Labo wiil oo mataano ah oo ku wada ciyaarayay qol ayaa waxaa kasoo dul dhacday armaajo kaddib markii ay qaanadaha u fureen, damceena in ay dhex galaan. Mid ka mid ah wiilasha ayay si xun ugu habsatay armaajada, balse midka kale ayaa caawiyay oo ka dul qaaday.



Gabar loo jilbajabsaday oo guur laga dalbaday oo sarajoogga ka dhacday, kuna dhacday god Video

04/01/2017 04:58:00:-Dhacdo la yaab leh ayaa waxaa ay ka dhacday magaalada Dallas ee gobolka Texas ee dalkaasi Mareykanka kaddib markii gabar uu saaxiibkeed ka dalbaday guur xilli ay saarneyd masrax. Waxay dhacdadaasi kala kulantay shil foolxun ayna ku dhacday god.



Dowladda Turkiga oo soo bandhigtay muuqaalka ninkii dadka ku xasuuqay diskotega habeenkii sanadka cusub Video

03/01/2017 05:45:00:-Booliska dalkaasi Turkiga ayaa soo bandhigay film muujinaya qaabkii uu u dhacay weerarkii diskotega magaalada Istanbul habeenkii sanadka cusub iyo ninkii fuliyay. Waxaa weerarkaasi ku dhintay dad kor u dhaafaya 39 ruux oo 21 ka mid ah ahaayeen ajaanib.



17 jir si farsameysan uga qaaday bastoolad burcad dukaanka ugu soo galay Video

31/12/2016 06:01:00:-Dhacdo ka dhacday gobolka New Jersey ee dalkaasi Mareykanka ayaa waxaa ay soo jiidatay indhaha caalamka kaddib markii warbaahintu ay baahisay muuqaalka wiil 17 jir ah oo burcad bastoolad ku hubeysan dukaanka ugu soo galay islamarkaana dhacayay. Wiilka ayaa bastooladda ka dafay burcadka.



SAWIRRADII U DAMBEEYAY

SAWIRRO TAYO LEH:
Ciidamo kumaandoos ah oo tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho iyo askar caddaan ah oo tababarka baxshay Sawirro 15/01/2017 05:06:00:-Xero ku taal duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Jasiira ayaa waxaa maanta tababar loogu soo xiray ciidamo kumaandoos oo soomaali ah kuwaas oo tababarka kaddib la guddoonsiiyay shahaadooyin.



Diyaarad degi weysay dhowr jeer dabeylo xooggan darteed oo markii dambe ku degtay si halis badan Video

30/12/2016 04:32:00:-Garoonka jasiiradda Madeira Airport ee dalkaasi Portugal ayaa waxaa dhawaan ka dhci rabay shil diyaaradeed kaddib markii diyaarad rakaab ah oo siday shacay ay dowr jeer isku dayday in ay degto balse aysan u saamixin dabeylo xooggan darteed.



Daawo qaabka ay u dhacday dhaarinta xildhibaanada labada aqal ee shalay Muqdisho ka dhacday Video

29/12/2016 06:34:00:-Waxaa shalay magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad lagu dhaarinayay xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka taas oo ka dhacday xarunta tababarka booliska ee Iskool Buliisiyo. Xildhibaanada la dhaariyay ayay tiradoodu aheyd 283 xubnood.



Arday u qaadan waayay dhaqan uu kala kulmay nin boolis ah oo istaajiyay xilli uu xawaare dheer ku waday gaari Video

24/12/2016 18:05:00:-Dhacdo ka yaabisay baraha bulshada ayaa waxaa lasoo dhigay muuqaalka boolis ka tirsan Menomonie Police Department ee dalkaasi Mareykanka kaas oo joojiyay arday gaari ku wada xawaare dheer kaas oo ka deg-degsanaa jaamacad balse aqoon sida loo xiro tie-ga.



CAJIIB: Sida loo maareeyo marka ay buux-dhaafaan tareenada Japan Video

24/12/2016 17:10:00:-Sida caadada ah caasimadda dalka Japan ee Tokyo ayaa waxaa ku badan dadka, waxaana ay arrintani si weyn u saameygay gaadiidka sida tareenada iyo basaska. Hadaba waxaa cajiib ah sida loo maareeyo marka ay buux-dhaafaan tareenada.



Ciidamada AMSIOM oo ka baxaya xaruntii Jaamacadda Umadda iyo dowladda oo ay ku wareejineyso Video

22/12/2016 07:21:00:-Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa AMISOM ayaa go`aan ku gaaray in ay ka baxaan xaruntii Jaamacadda Umadda ee ku tiilay wadada Afgooye taas oo ay ku jireen muddo toban sano kor u dhaafeysa. Wafdi ka socda ayaa lagu soo wareejiyay xarunta oo ay dayactir aan buurneyn ay ku sameeyeen.






Kala carar ka dhacay goobtii lagu toogtay safiirka Ruushka ee Turkiga iyo farriintii uu diray gacan-ku-dhiiglaha Video

20/12/2016 07:57:00:-Waxaa baraha bulshada la soo dhigay muuqaal muujinaya dilkii safiirka Ruushka ee dalka Turkiga kaas oo lagu toogtay goob lagu soo bandhigayay sawirro oo ku taal magaalada Ankara. Ruuxa dilka fuliyay ayaa farrin jeediyay dilka kaddib.



Qaabkee ayay u socotaa waddo-falista ka socota duleedka magaalada Jowhar? Video

18/12/2016 07:43:00:-Duleedka magaalada Jowhar waxaa ka socdo howlo wado falis oo ay wadaan ciidamada AMISOM kaas oo looga goleeyahay sidii ay u sahlanaan laheyd soo gelista magaalada Jowhay oo ah xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.



Daawo waxa ay diyaaraddan ku dhigto ninkan hoosta ka galay Video

18/12/2016 07:40:00:-Nin makaanik diyaaradeed ah ayaa dabeysha diyaaraddu qaaday kaddib markii iyada oo duuleysa uu hoosta ka galay. DHacdadan ayaa ka dhacday mid ka mid ah maraakiibta dagaalka Mareykanka dusheeda xilli hore.



Obama oo dhakhtarkiisa gaarka ah dalbaday xilli uu ku gudo jiray shir jaraa`id Video

18/12/2016 07:28:00:-Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo xalay mar uu shir jaraa`id ku gudo jiray waxa uu dalbaday dhakhtarkiisa gaarka ah kaddib markii mid ka mid ah wariyayaashii goobta ku sugnaa uu xannuun kusoo booday.



Haweeneyda "ugu foosha xun" adduunka oo ka xumaatay muuqaal lasoo dhigay bogga Youtube-ka Video

16/12/2016 16:10:00:-Lizzie Velasquez oo ah haweeney xannuunsan ayaa waxaa loo saariyay title-ka "haweeneyda ugu foosha xun adduunka" kaddib mar film lasoo dhigay Youtube-ka loogu caayay, looguna yeeray "haweeneyda ugu foosha xun adduunka" .

-©2006-2017 Calanka.com waa qeyb ka mid ah CALANKA MEDIA
Kor ku laabo ::: Login :::: Nagu xayeysiiso ganacsigaaga :::: Nala soo xiriir :::: Annaga / About
Waa mamnuuc in la isticmaalo ama la qaato macluumaadka ku jira boggan, amar la`aan.