IFTIN Express

Xawaalad Deg-Deg Ah (Oslo, Norway)

IFTIN Express-TV



Warbixin Kooban!


Xawaaladda IFTIN Express waa xawaalad aad ugu dheereysa xagga teknolojiyada adeegsatana aalado casri ah kuwaasoo u sahlaya macaamiisheeda meelkasto oo ey dunida ka joogaan in ey lacagtooda ku helaan wax ka yar daqiiqad, taasoo loo yaqaan ON-LINE SYSTEM.

Xawaaladdan IFTIN Express laanteeda Norway ayaa waxaa diyaar laguugu yahay ilaa todobo magaalo oo kala ah Oslo, Bergen, Trondhiem, Stavanger, Kristiansand, Skien, Fredrikstad halkaasoo ey kugu soo dhaweynayaan shaqaale qibrad u leh howshaan.

IFTIN Express Norway waa xawaalad mudnaanta koowaad siisa macaamiisheeda had iyo goorna dirta iyagoo faraxsan, waxaana macaamiisha joogtada ah ey helaan damaanad ama lacagtoo laga sii hormariyo marki ey kasoo daahdo, qaarka dira lacagaha badana ey iyaguna helaan Descount ama lacagtoo laga dhimo.

Hadaba xafiiska weyn ee magaalo madaxda Oslo (Head Quarter) ayaa waxaa gacmo furan kugu soo dhaweynaya madaxa xawaaladda leenteeda Norway Maxamed Salax Maxamed oo isagu mudo ka badan 11-sano kasoo shaqeynaya howlaha xawilaadaha una leh qibrad dheer.

Adresska Xafiiska Weyn ee Oslo:
Calmeyersgt. 13
0183, Oslo, Norway
TLF: +47 22 20 59 08
Mob: +47 95 07 90 68
Fax: +47 22 20 00 88


Waxaa Sameeyay Xayeysiiska
Tafatiraha Shabakadda:
Deeq C/laahi Axmed
deeqow25@hotmail.com