Home Wararka Maanta NISA oo Warkasoo Saartay Weerarkii la Sheegay in lagu Qaaday Guriga Fahad...

NISA oo Warkasoo Saartay Weerarkii la Sheegay in lagu Qaaday Guriga Fahad Yaasiin

0

Taliyaha dabagalka ee hey’adda NISA Col. Cabdullahi Daahir (Cabdullahi Dheere) oo kamid ah saraakiisha si aadka ah ula socda xuuraanka hey’adda, awood badana ku dhex leh ayaa war ka soo saaray wararka sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay la weeraray guriga uu Muqdisho ka degan yahay Fahad Yaasiin.

“Xog aruurin aan sameeyay kadib, waxaan u cadeynayaa umadda Soomaaliyeed in guriga Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin aan la weerarin. Kaliya ciidankii ilaalada ka hayay guriga ayaa rabitaankooda ugu laabtay taliska dhexe ee nabad sugidda,” ayuu yiri Korneyl Cabdullahi Dheere.

Sidoo kale waxaa uu sarkaalkan ku baaqay in la joojiyo been abuurka, lalana shaqeeyo dowladda cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaamiyo.

“Cid walba oo ku lug leh waa inay joojisaa been abuurka, waana in lala shaqeeyaa madaxweyne Xasan Sheekh oo aan la wadaagi doono dhaq dhaqaayada la xiriira amniga, isaga iyo Taliye Mahad Salaad oo shaqsi wax badan qaban kara ah,” ayuu markale yiri Taliye Cabdullahi Dheere.

Taliyaha dabagalka NISA Cabdullahi ayaa dhanka kale wuxuu tilmaamay in is-casilaad uu dhowaan laga baahiyay inuu u gudbiyay agaasimaha cusub ee NISA Mahad Salaad aysan ahayn mid hadda ah, balse ay ahayd mid ka horeysay maamulkan cusub, isagoo sheegay in koox loo shaqeeyaa inay ka qiimo badan tahay in Qaranka wax loo qabto.

“Waa in madaxda cusub ee dhamaan hey’adaha amniga wax ka bartaan qaladaadkii ka dhacay dowladii hore mudadii shanta sano ahayd,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay korneylkan.

Hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa muddo sanad ah ku jirtay jaho-wareer xoog leh, waxaana aad loogu baraarugay wixii ka danbeeyay soo if-bixii kiiska Ikraan Tahliil oo nolol iyo geeri lagu waayay 26-kii June sanadkii hore bishan oo kale.

Agaasimaha cusub ee NISA Mahad Maxamed Salaad oo hadda bedelay qaar kamid ah hogganada talisyada NISA, waxaa kale oo horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu soo horeyso ka qeyb qaadashada sugidda amniga xafladda caleema saarka ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay imaanayaan qaar badan oo kamid ah madaxda caalamka, taasi oo lagu wado in ay dhacdo maalmaha soo socda.
Previous articleSaddexdii xubnood ee ugu Dambeeyay Guddida Doorashooyinka Somaliland oo is casilay
Next articleShir caalami ah oo ay ka soo qayb galeen 14 dal oo ay Somaliland martigelisay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here